91.9FM Codka Beesha

Home

Cusmaan caato la mood noqonse waa

Sept,9..2004 Radio Free Somali (RFS)

Gen. William Boykin oo ka mid ah kaaliyaasha Rumsfield ayaa yiri caato waan aqaanaaa oo waan qabtay ma aha nin muslimah waayo waan aqaanaa lacagta ayuu caabudaa.

dadka muslimiinta ah ee addunka waa u hiiliyeen Caato waayo ninka ayay ka uriyeen inuu islaamka neceb yahayhase yeeshee soomaalidii oo dhan yaab iyo qosol ayay ku noqotay waana ku raaceen generaalka in caato caabudo lacagta kuna raaxeyso daadinta dhiiga soomaalida. Daacayad ma ahan mana rumaynayno ninkaas waxa uu slaamka ka sheegay laakiin ma aha in aan dhumino fursaddii hore oo kale markii ninkii waalnaa ee ku waashay dhiiga soomaalida ee caruurta iyohaweenka ku dhex dhuumanayey ayaan dhiibi weyney oo loo difaacay waa muslim iyo waa soomaali. Soomaalidu inay daafacdo ma ahan kuwa Soomaalda dilay ama qixiyey ama faceen naga reebay. waa la ilbaxay hadda kuwii na dilay ma difaaci doono.

caato iyo generalku waa iska kaaya badiyaan marka soomaaliyeey kuween xun yeynaan difaacin waayo ayagaba haddii ay fursad u helaan uma naxaan soomaalda.

Doqomada naga dhashay ee aanana garanayn dgaalka ay bilaabeen iyo jabka ay u gaysteen caruurta soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda waa badan yihiin mana ay isweydiidnin in iskuulada mustaqbalka lagu baran doono dhiigii soomaaliyeed ee ay qubeen.

Cusmaan caato keligiis ma ahan doqomada daadiyey dhiiga soomaalida waxaa ka mid ah

Keligii taliye Siyad barre, Morgan, Jees, Qanyare, Siilaanyo, Tuur, Cumar X. Masalle, Ali Mahdi iyo aabahoodii baray sida dhiiga soomaalida loo daadiyo ama amxaaro loo aado kornayl yey waa cabdilahi yusuf.

dagaal oogayaasha weli cafis mana weydiisan bal waxayba rabaan inay xildhibaano iyo madax noo noqdaan. Waxaan idinku soo dhoweyneynaa caleemo cagaaran ee soo dhowaada.

dadka soomaaliyeed waa inay ka faa'iideystaan fursadan oo aan maxkamad saarnaa. sidaan rabno ayaan ka yeeli kartnaa ee ananga ayey nagu xirian tahay. waxay aaminsan yihiin in qabiilkooda difaaci doono ma oga in laga soo gudbay waqtigii ay na qaybinayeen. ayaga tabar ma leh anagaa awood leh maskamad iyo cafisba.

Cusmaan Caato Cafis weydiiso intay goori goor tahay

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com