Codka Beesha

 



 

Somaliya 911 keeda waxaa ka danbeeyey SSDF, USC, SNM, SPM iyo Siyad Barre

Sep13.2004 Radio Free Somalia (RFS)

Qolo walba jabkeeda maalin buu yimid. maanta dadlka maraykanka waxay xusayaan weerarkii 911 2001 halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 3000 arrintaas dadka maraykanka ma iloobaan waxayna madaxdooda ku dhiiriyeen inay kuwii gaystay iyo kuwa ku taageerayba sharciga hor keenaan. Inkastoo dad aad u badan oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen oo dagaalkiina marin habaabay haddana dadka maraykanka waxay ku heshiisyihiin inay u garteen in dhibkaasi uu ka danbeeyo Osama haddaba dadka soomaalida ah Maxaa soo gaaray mase garteen qofkii ganay iyo kii galaday?

Jawaabta waa maya.

Dadka soomaalida qarankoodii waa la riday dadkoodii in ka badan 1,000,000 waxaa la dilay ama macluul ayaa loo dilay ama qori ayaa lagu dilay magaalooyinkoodii waa la duqeeyey, hantidii qaran iyo mid gaar ahba waa la lumiyey, xaquuqal insaankii iyo daryeelkii guud waa loo dhameeyey. Sharaftii iyo haybaddii soomaaliya waa la lumiyey. Soomaalidii waxaa laga dhigay wax qaxo iyo wax silic ku nool.

Arrinta naxdinta leh waa Soomaalida maba garay 911 keedii cidii ku smaysay.

Waa inay ogaadaan in soomaalida 911keeda ciddii samaystay ay tahay qofkii yiraahdo waxaan ahay gudoomiyaha SSDF, USC , SPM iyo aabahooda oo ah keligii taliye Barre .
waa Caato, Qanyere, Caydiid, iyo wiilkiisa nasiibka daran ee warlordnimada ka dhaxlay aabihii, Tuur, Jees, Siilaanyo, Ali Mahdi, Morgan, Masalle waa ninka yiraahda aniga ayaa riday qorigii koowaad ee lagu rido soomaalia anigoo mucaarad ah oo barayna USC, SPM, SNM sida xabashida hub looga baryo waa kornayl yey.

Dadka Soomaalida ayey u taalaa sidii ay dadkaasi wixii ka nool maxkamad u soo taagi lahaayeen hadda waxayba rabaan inay xildhibaano noo noqdaan oo aan ku soo dhoweyno caleemo cagaaran uguna yeerno madaxweyne, xildhibaan, ama gudoomiye baarlaan. Hadda waa ka dhab waayo ma xishoodaan waxna ma gartaan. hadday wax garanayaan way dhuuman lahaayeen ama ooyi lahaayeen waayo qoskooda ayey haligeen.

Masalle cidiisa ayuu haligay(Luuq), Mooragn iyo Cabilahi Yusuf cidooda ayey haligeen, Ali Mahdi, Caydiid iyo wiilkiisa nasiib daro dhaxlay dagaal oogenimada, Caato iyo Qanyare cidooda iyo xamar ayey haligeen, Tuur iyo Siilaanyio cidooda ayey haligeen. Keigii Taliye Siyad Barre Kursi dartii ayuu soomaaliya u haligay asagoo nagala dardaarmay warlordska inay hawsha sii wadaan oo asaga ka sii daraan.

Inay madax noo noqdaan waa wax aan dhici karin- waa dameer afmadow -iyo sacabo timo ka soo baxeen haddii aanay qiranin waxa ay galeen oo aanay dadka Soomaaliyeed cafis weydiisan.

Hassan warankulule


warankulule@yahoo.com

Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia







Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com