 |
 
Warankulule:
Kuwa difaacaya dagaal oogayaashaan waxay daan iila dagaalin una daaficin
denbiilayaashaas waa:
Sep,15.2004 Radio Free Somali (RFS)
1) Horta denbigooda ma qarin kartaan taariikhdana ma dabooli kartaan
2) ayagiibaanan weli cafis weydiisan oo weli ku faana inay dad soomaaliyeed
dileen
3) Agoontii iyo Rajadii la laayey waxay rabaan inay ka aargoostaan
4) Dadkii Soomaaliyeed ee badaha ku dhamaaday ehelkood waxay rabaan
inay dagaal oogayaasha ka aaraan.
5) Hooyooyin iyo aabe caruutoodii la dilay ama la lumiyey waa xanaaqsan
yihiin
6) soomaalida adimada go'an waxay u xanaaqsan yihiin dagaal oogayaashii
7( caruuta mustaqbal weydey ee lahaystayaasha noqday waxay rabaan
in ay aarsadaan
8) dagaal oogayaasha ma ogayn in ay gelayaan qalad aanan la sixi karin
iyo in laga aarsan doono iyo buugaagta caruurta lagu dhigi doono hadaba
taariikhdoodii madoobayd iyo buugaag laga qoro iyo weliba aflaan in
laga samayn doono ha ogaadeen
9) Dagaal oogaha cidiina keliya ma haysto ee ha u malayn in cidiina
duulaan lagu yahay ee Soomaalida caraysan iyo dagaal oogayaasha ha
dhexgelin qoorta ha a soo qabteene
10) Xusuuso adan gabiyow markii uu yiri soomaaliyey haddii aydaan
iska kaaya qaban weligiin ma degaysaa.
Labada dhimatay Waa siyad iyo caydiid marka laga reebo kuwa haray
abaabulkii waa bilowday lagu takoori lahaa qabiilkoodana ma difaaci
karo waa inoo maxkamad.
Tuur, Moorgan, Siilaanyo, Jees, Masalle, Qanyare, X. Caydiid, Ali
Mahdi, Caato, Abdilahi Yusuf dhulka ayaa lagu jiidi doonaa waxaana
lagu maxkamadayn doonaa meel fagaare ah.
In badan ayey dadka qaldeen hadda ayagoon awood lahayn ayaa la qaban
doonaaSoomaaliyey sabir wax yar ayaa haray laakiin diyaar garow waqtiga
waa soo dhow yahay.
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|
|

|

 |