|  
Xildhibaanadu
waa inay doortaan Cabdilqasim iyo Galaydh
Sep,15.2004 Radio Free Somali (RFS)
Sababata aan u leeyahay waa labadan oo muujiyey wadaninimo
iyo Soomaalinimo iyo Muslinimo.
Abdilqasim iyo Galaydh labaduba waaka nadiif denbiyadii
ay galeen Jabhadihii badowda ahaa sida USC, SPM, SNM, iyo SSDF. Waa
niman waayo arag ah oo la soo shaqeeyey dawladdii ugu danbeysey Soomaalia.
Waa niman aan looga talin Addis Ababa iyo dalal kale. Waa niman aan
weli daadin dhiig Soomaaliyeed. Waa aqoonyahaniin, aftahan ah oo weliba
qibrad leh. Labadan nin weligood waa iska ilaaliyeen inay ku hadlaan
magac gobol ama magac qabiil sida jaahiliinta kale ee ah Cabdilaahi
Yusuf, Masalle, Qanyare, Caato, Caydiid, Caato iyo jaahiliinta kale
oo weli ku faano dilka Soomaalida. Tusaale Abdiqaasim inkastoo uu
qabiil ahaan ka dhasay haddana waa iska ilaaliyey xataa inuu gacan
qaado wasaqda USC waayo ma rabin in lagu ag sawiro waayo waa nin sharaf
leh oo yaqaan diinta iyo siyaasadda. Nasiib darro waxaad arkaysaa
weli jaahiliin ku faanaya inay yihiin madaxda USC ama SSDF ama SNM
waayo garaadkooda ma bislaanin mana gaarin bisayl wax u shrrgana ma
aysan arag inay maalin uun ka shallyi doonaan.
Abiqasim iyo Cali Qaliif waa in ay heshiiyaan oo
isla shaqeeyaan oo wadanka badbaadiyaan oo mar danbe qaladkii oo kale
aanay samayn. Abdiqasim waxay ahayd inuu san Cali ku faro gelin arrimaha
dawladiisa. Calina waxay ahayd in qaanuunka uu sheegayo u kaadiyo
oo uu la shaqeeyo madaxweynaha waayo dawladdu ma gaamurin welina ma
gaarin xillig ay noqota mid sharci ilaalin karta. waxay ahayd inuu
u sugo ilaa waqti waayo dawladdu waxay ahayd wax la dhoodhoobay ee
ma ahayn sida uu Ali u arkayey. Heshiis waa laga baxay laakiin waxaba
sow dhoo dhoob ma ahayn.
Dawladdii Abdiqasim iyo Galaydh waxaa dumiyey Itoobiya
iyo Cabdiqasim Qabiilkiis oo aanan rabin inuu cabiqasim guulaysto
waayo waxay necbaayeen Soomaalinimadiisa, aftahanimadiisa, aqoontiisa,
iyo diintiisa.
Ali Qalif iyo Cabdiqasim waxaa idin jecel Soomaalida
qalbiga fiican waayo markasta waxaad ku hadasheen magaceen iyo hadal
fiican afkiina waxaad ka ilaaliseen qabiil iyo gobolaysi iyo qurun
iyo USC SNM SSDF SPM iyo denbiilayaasha Itoobiya u adeegay ee na dhigay
halkan faceena naga raabay.
USC qudhmoonow intaad timir goyseen tiin ha beerina
sidii aad waa hore yeeshee. Intaad labadaas nin oo sharfta leh rideen
intaad dawladdii Soomaalia rideen ha nagu dooranina Cabdilaahi Yusuf
haddii aad sidaas yeeshaan hawiye iyo daarood iyo Soomaali weynba
idin ma cafin doonto.
Dib u doorto labadn nin!
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|