|  
Dadweynaha
Soomaaliyeed oo caradii ay USC u qabeen uga jawaabay doorashada C/
Yusuf (protest)
Oct,11.2004 Radio Free Somali (RFS)
Cabdilaahi Yusf looma dooran mudnaan ee waxay ahayd
banaan bax(protest) lagu diidayo habdhaqankii madaxda USC
Hogaamiyeyaasha USC ayaa markii ay rideen dawladdii
qaranka Soomaaliyeed laga waayey inay keenaan nidaam iyo dawlad haba
xumaatee. Bal waxay dadkii ku soo kordhiyeen dil, dhac , kufsi iyo
bililiqo iyo dagaal sokeeye oo dhaeeraaday. Muqdisho waxay noqotay
meel isbaaro caadi ka tahay oo dadka la qafaasho oo aan wax xuquuqda
soomaalida ilaaliyaa jirin. Meel aan sharci ka jirin oo noqotay ninkii
xoog leh ha noolaado (wild). Meel caruurta rajadii ka dhamaatay dhallintuna
ka qaxaan oo badaha adduunka ku dhamaadaan.
Inkastoo dadka reer muqdisho meelo fagaaro ah ka
yiraahdeen waan u darsannay Siyaad Barre laakiin maanta waxay noqotay
maalin taariikhi ah. Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in hogaamiyeyaashii
USC aanay xaq u lahayn in la doorto waayo wax aan dhibaato iyo fowdo
ahayn ma soo kordhin 14 kii sano. Waxaa kala oo dad weynaha u cadaatay
inay ka gardarnaayeen Siyad Barre – xaqii baa dilaacay! Dharbaaxo
ku dhacday madaxdii USC !
Xildhibaanada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo
jeeda Muqdisho waxaan idin leenahay mahadsanidiin, shukran, thank
you, tag, ahsanta sana waxaad mudan tihiin in markasta la idinla tashado
axaad i hiiliseen dadka dulman.
Xildhibaanada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka yimid
Muqdisho badankood waxay garteen in la soo gaaray xiligii beeraha
dadka laga boobay, guryaha, iyo xuquuda dadkaba loo celin lahaa dadkii
lahaa.
Reer muqdisho waxay muujiyeen farxad iyo rayn rayn
mana dhici doonto in hadda ka dib xamar lagu faano anigaa kaa qori
weyn iyo anigaa kaa qabiil fiican. Inkastoo Cabdilaahi uusan ahayn
kan ugu mudan haddana ka fiican hogaamiyeyaashii USC oo aan hadafka
lahayn marka laga reebo nacayb.
Dadweynaha Soomaaliyeed waa in ay ka shaqeeyaan sidii
ay u hirgeli lahayd dawladdan xataa caasimaadd ku meel gaarka ah haddii
laga dhigo Garowe.
Dadweynaha Soomaaliyeed Guul. Madaxda USC jab!
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|