|  
C/ Yusuf haddii uu sidan sameeyo
waxaa dhici karta inuu guuleysto
Oct,11.2004 Radio Free Somali (RFS)
Maanta umaadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay
nabad taasna waxaad ku garanaysaa inay doorteen qof kii dumuyey qarankii
Soomaalia oo asaasay SSDF USC SNM una adeegay cadoqga Ethiopia.
Cabdilahi dhiiga Soomaalida oo uu daadiyey ma yara haddana Soomaalida
lamay san xisaabtamin bal iskaba daayee waxay ku yiraahdeen waanu
ku dooranay inkastoo ay jiraan kuwa jecel inay ka jaraan wixii uu
ka jaray Siyada Barre iyo dhibtii uu u gaystay Soomaalia.
Soomaalida qaar waxay aaminsan yihiin in doorashada warlord Cabdilahi
Yusuf la mid tahay doorashada warlaord Charles Taylor (Liberia) kaasoo
la yiri waanu ku doorannay ee hana dilin sanad in ka yar dhiiga reer
Libewria waa uu daadiyey.
Cabbdilahi maanta shacabka Soomaaliyeed wakiiladooda waa ay sharfeen
waxaana ay ka dhigeen madaxweyne ku meel gaar ah su'aashu waxay tahay
asaga shacabka Soomaaliyeed ma sharfi doonaa oo cafis ma weydiisan
doonaa ciidankii qaranka ee uu dilay, shacabkii uu dilay, Ethiopia
oo uu u adeegay mise ma garan doono. Haddii uu cafis weydiiso waxay
u noqon doontaa guul haddii uusan weydiisanna firsaddan waa uu ka
shalaayi doonaa.
Ku mahadsanid qaadashadayda laakiin dadka ma qaldi kartid ee si sax
ah cafis u weydiiso waayo adigaa dadka u baahan ee ku noqo.
Dadkii wax na dhax mareen ha i cafiyeen anna waan cafiyey wax la aqbali
karo ma ahan waa inuu C/lahi afka ku bal balaariyaa oo magaacaabaa
dadkii uu u gafay.
Waa inuu cafis weydiistaa Umadda Soomaaliyeed oo dhan
Madaxweynihii u dan beeyey Soomaaliya Maxamed Siyad Barre iyo dastuurkii
qaranka
Wadaadadii yar yaraa ee uu laayey
ciidamadii qaranka ee uu laayey markii uu Itoobiya danaheeda u dagaalamayey
iyo qoysaskooda
waa inuu afka ku balaariyaa waa inuu baryaa cafis oo si toos ah waa
inuu cafis guud weydiistaa. Waa inuu ooyaa si loo arko inay daacad
ka tahay markaas ka dib qoysaskii uu dhibaateeyey iyo umadda soomaaliyeed
ayey u taalaa inay cafis siiyaan iyo inkale
Ku celi cafis weydiinya Cabdilahi. Waa inuu qirtaa falalkii ay geysteen
USC SNM SPM inuu asaga ka danbeeyey
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|