![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagay iyo waxa u qorsheysan sanadkan cusub JANUARY 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Taliska ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagay iyo waxa ay qorsheynayaan sanadkan cusub. Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gorney Cali Aadan Xumad oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay shirkiisa Seddax qodob oo kale ah waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tagay, waxa ay qorsheynayaan sanadkan cusub iyo xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya. Ugu horeynti Mudane Cali Aadan Xumad ayaa ka waramay guulihii ay gaareen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa iyo kuwa dowladda Soomaaliya sanadkii tagay ee 2012 ayna la wareegeen gobolo badan oo ay horay ugu sugnayeen maleeshiyada kooxda awoodooda la wiiqay ee shabaab. Cali Aadan Xumad ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha ciidamada nabad ilaalinta sanadkan 2013 waxa uuna tilmaamay in qodobka ugu weyn oo ay sanadkan qorsheynayaan uu yahay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay gaarsiiyaan heer ay iyaga oo aan caawineyn ciidan dowlad kale kasocda ay wadankooda nabadeeyaan taas oo ay ku gaari karaan in laga caawiyo tababarada iyo qalabka. Sidoo kale afhayeenka ayaa shirkiisa Jaraa’id kusoo gaba gabeeyay baaq uu u diray dhalinyada wili uu ku jiro fikirka kooxdii burburtay ee shabaab isagoona ugu baaqay in ay ka soo laabtaan kana qeyb qaataan hormarka dalka dowladda iyo AMISOMna ay soo dhaweyneyso. Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa imaana xili 8 bishan magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan looga hadlayay sidii loo balaarin lahaa qorshaha howlgalka ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|