|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Afhayeenka ciidamada Uganda Obbo oo sheegay in ay burburiyeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Balidoogle
JANUARY 5, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Afhayeenka ciidamada Uganda Maj Henry Obbo ayaa sheegay in ay burburiyeen fariisin ciidamada ururka Alshabaab ay ku lahaayeen meel u dhow Balidoogle oo qiyaastii waqooyi galbeen kaga beegan Muqdisho illaa iyo 120km.
Maj Obbo oo warqad u diray wargeyska Saturday Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen halkii ay weerareen ayna dabajoogeen weerar wadada u dhexeysa Leego iyo Balidoogle wadada loogu galay gaadiid marayay halkaas,
Afhayeenka ayaa sheegay in ay ku soo qabsadeen weerarkan afar qori iyo rasaas gaareysa 390 isla markaana ay dad ka dileen ururka Alshabaab.
Inkastoo uu daabacay Saturday Monitor warkan ka soo baxay afhayeenka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa hase ahaatee aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab,
Hase ahaatee wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ay koox burcad ah wadada u gashay baabuur marayay meel u dhexeys Leego iyo Balidoogle kadibna gaarigaasi ay ka leexiyeen wadada oo ay geysteen meel aan waxbadan ka fogeyn wadada laamiga ah.
Hase ahaatee ciidamada Uganda ee ku sugnaa deegaanka Leego oo rasaas ku furay burcada hubeysnayd ay ku dhinteen labo ruux oo ka mid ahaa dadkii la socday baabuurka ay burcadu baaranaysay.
Labadan ruux ee halkaa ku dhintey ayaa saaka lagu aasay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose waxaana la sheegay in ahaayeen ragga dhintey dad u socday deegaanka Leego kana tegey degmada Wanlaweyn.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|