![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Taliyaha Qeybta Booliiska Galmudug Oo Ka Hadlay Meydad Saaka Lagu Arkay Gaalkacyo February 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Meydadka Laba nin oo dhallinyaro ah iyo dhaawaca mid kale ayaa saqdii dhexe ee xalay laga helay Koonfurta magaalada Gaalkacyo iyadoo Taliyaha qeybta Booliska maamul goboleedka Galmudug uu sheegay in dhallinyaradaasi ay qeyb ka ahaayeen dad lagu soo qabqabtay howlgallo dhowaan laga sameeyey Gaalkacyo. G/lle sare Maxamed Nuur Cali Taliyaha qeybta Booliska maamulka Galmudug oo goor dhow la hadlayey Radio Muqdisho ayaa ka hadlay dilka loo geystay raggaasi, isagoo sheegay in uusan ka warheynin cidda ka dambeysay dilka raggaasi laakiin waxa uu tilmaamay in isaga lagu soo wargeliyay waaberigii saaka meydadka dhallinyaradaasi la toogtay. Taliyaha ayaa caddeeyay in dhallinyaran la toogtay ay ka mid ahaayeen rag dhawaan lagu soo qabqabtay howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen Magaaladaasi kaas oo lagu sugayay amaanka. Howlgalka raggaasi lagu qabqabtay ayaa ka dambeeyay kadib markii qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday hoyga Taliyihii hore ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|