![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Guddoomiyaha G/Baay oo kulamo la leh maamulka iyo bulshada degmada Qansaxdheere
DECEMBER 1, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Gudoomiyaha maamulka gobolka Baay oo kormeer howleed ku maraya degmooyin ka tirsan gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey kulammo uu degmada Qarsaxdheere kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi. C/Fitaax Geeseey guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa saxaafada u sheeegay in uu maalmahan booqasho ku marayay deegaanno ka tirsan gobolka Baay, isagoo tilmaamay in muddo Shan maalmood ah uu ku suganyahay degmada Qansaxdheere oo 90 killo Mitir u jirta magaalada Baydhabo. ‘’waxaan soo maray deegaanno farabadan oo ka mid ah gobolka Baay ka hor inta aanan gaarin degmada Qansaxdheere, waxana kulamo la qaatay waxgaradka deegaannadaasi anigoo u sharaxay isbeedelka dalka ka dhacay iyo in la mamnuucay qaadista lacagaha sharcidarrada ah’’ ayuu yiri C/fitaax Geeseey. Muddo iminka laga joogo Sagaal Bilood ayaa malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeyay degmada Qansaxdheere iyo deegaanno kale oo hoosyimaada gobolka Baay iyadoo ay dib usoo laabteen adeegyadii bulshada ee daagaannadaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|