![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Faahfaahin ka soo baxeysa kulankii shalay ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda Qaranka iyo Wakiilo ka socday A.U.
JANUARY 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Faahfaahin dheerad ah oo ka soo baxday kulan shalay Muqdisho ku dhexmaray madax sare oo ka tirsan doowalada Soomaaliya iyo wakiilo ka Socday Midoowga Afrika ayaa sheegtay in wax yaabihii kulankaasi ka soo baxay ay ka mid ahaayeen sidii howgalada ciidamada AMISOOM iyo kuwa doowlada ee ka socda Soomaaliya hogaamintooda ay la wareegto doowlada Soomaaliya. Kulankan xasaasiga ah oo shalay ka dhacay madaxtooyada Qaranka oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayna ka soo qeyb galeen, R/wasaaraha xukuumada, wasiirada Arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga, taliyaasha ciidamada milatariga Booliska iyo nabad sugida, saraakiisha ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo danjirayaal caalami ah ayaa looga hadlay dib u eegista qorshaha ciidamada Amisom ay ku joogaan soomaaliya. Sidoo kale kulankaasi ayaa lagu gaaray heshiisyo badan oo ay ka mid yihiin in howlgalka Soomaaliya ka socda ee lagu ciribtirayo argagaxisada ay hogaanka u hayaan ciidamada qalabka sida, kuwa midowga Africana ay noqdaan caawiyayaal hasayeeshee dhaqan galinta heshiiskaasi ayaa dib loogu dhigay si loo sameeyo wada tashiyo dhinac walba ah. C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka wasaarada ariimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa Radio Muqdisho warbixin dheeri ah ka siiyay go’aanki ka soo baxay kulanka shalay ka dhacay magaalada Muqdihso ee diirada lagu saarayay dib u eegista qorshaha ciidamada ee Soomaaliya iyo arimo kale oo amaanka dalka ku saabsan. Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa tilmaamay in Qodabadi shirka shalay ka soo baxay ay ka mid yihiin la xisaabtanka Hay’adaha Qaramada Midoobay ee xafiisyadooda ay yihiin Soomaaliya iyo guud ahaan ciidamada siyaabaha kala duwan uga howlgala dalka sidii iyaga Qorsha loogu sameyn lahaa iyo qodabo kale Waa markii ugu horeysay oo ay midowga Afirca iyo dowlada Federaalka ah ay ka wada hadlaan qorsha u sameynta howlgalada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa tan iyo markii laga gudbay nidaamkii KMG ahaa, iyadoo go’aanka dowlada ee ku aadan in ciidamda qalabka sida ay hogaanka u hayaan howlgalka dalka looga xureyna aragagaxisada uu yahay mid tusaaleynaya awooda dwoladu ay u yeelan karto hanashada maamulka guud ee dalka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|