![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada “midnimada ummada Soomaaliyeed ayaan soo celineynaa”
February 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada Soomaaliyeed Cabdikariin Faarax Qaareey (Cabdikariin Jiir) oo u warramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Fanka dalkeena uu dib u soo celin karo Midnimadii iyo nabaddii Soomaaliya ee luntay 21-kii sano ee la soo dhaafay. Mareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada Cabdikarin Jiir oo haddalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay tahay tallaabada ugu horreysa ee uu qaadayo siduu Fanka u iftiimin lahaa muhiimadda uu mujtamacu u leeyahay midnimada iyo xorriyadda hadalka. Cabdikariin Jiir ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday qiimaha Waddaniyadda iyo fahamka dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shacabka aysan badiyaa ku baraarugsaneyn Jacaylka waddankooda taasoo ay xoogga ku saari doonaan dhinaca Fanka Dhinaca xoojinta Nabadda wuxuu Mareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada kalsooni weyn ka muujiyey inuu Fanku door fiican ka ciyaari karo, isla markaasna ay sameyn doonaan Suugaan xaaladda maanta ka tarjumeysa oo taabaneysa dareenka Shacabka. Magacaabista Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka oo dhowaan lagu dhawaaqay ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dhinaca kale ka socoto qorshe la doonayo in dib u dhis loogu sameeyo Golaha Murtida si fursad loogu helo kobcinta Fanka Soomaaliyeed iyo isu uruurinta fannaaniintii dalkeena oo iyagu ku kala firxaday dagaalladii kala duwanaa ee dalkeena ka dhacay 21-kii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|