|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Madaxweyne Xasan Sheekh "Kenya dhibaatooyinka waxay u gaarayaan maxaa Soomaaliya u taageereysiin"
DECEMBER 8, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi, kadib markii uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Shir jaraa'id oo uu wariyeyaasha ugu qabtay Garoonka diyaaradaha ayuu Madaxweynaha tacsi ugu diray Madaxda Kenya iyo shacbkooda dhibaatadii xalay ka dhacday Nairobi, isagoo cadeeyay sida uu ugu xun yahay.
"Arrin aad iyo aad u murugo badan oo xalay ka dhacday dalka Kenya, dad muslimiin salaad soo dukaday in lagu weeraray, qaarna dhintay dad mas'uuliyiin ku jireen dhaawacmay, aad iyo aad uga xunahay, waxaa tacsi u direynaa shacabka reer kenya iyo dadkii dhintay eheladooda"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda kenya ay gacan ku siinayaan sidii ammaanka loo hagaajin lahaa, isagoo ugu baaqay labada shacab inay iska kaashadaan sugida amaanka, meelna uga soo wada jeestaan kuwa dhibaatada wada.
"Arrintaas waxay na tuseysaa labo waxyaabood, dadka nuucaas cid ay xushmo u hayaan oo ay qadarinayaan oo ay dhowrayaan ma jirto, shacabka Soomaaiyed iyo Kenya hal meel uga soo wada jeestaan, dowladda Soomaaliya waa ku garab istaageynaa wax kasta amniga Kenya hagaajinaya"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha dhibaatooyinka u gaaraya Kenya ay tahay sababta ay u taageerayaan Soomaaliya, isagoo hadalkiisa u muuqday mid uu ku difaacayay doorka Kenya ku soo gashay Soomaaliya.
"Dhibaatooyinkaas waxay u gaarayaan Kenya sababaha ugu waa weyn waxaa ka mid ah, maxaa soomaaliya u saacideysa awgeed ayaa dhibaatoyinkaas u gaarayaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlay booqashada uu ku tagay Turkiga waxaa uu sheegay in safarkooda uu ahaa mid aad muhiim ugu ahaa xiriirka labada dal, isla markaana uu ahaa kii u horeeyay uu ku tago, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ka baxday KMG, waxaana uu sheegay in booqashadiisa ay bog cusub u fureyso xiriirka labada dal.
Waxaa uu sheegay in heshiis dhinacyo badan taabanaya ay la soo saxiixdeen, isagoo ku ammaanay madaxda Turkiga sida ay Caalamka ugu muujiyaan in Soomaaliya loo imaan karo, kadib markii Ra'iisul Wasaaraha Turkiga iyo qoyskiisa ay booqasho ku yimaadeen Soomaaliya sanadkii hore.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu si dhab uga hadlo dhibaatooyinka amni xumo ee ka jira magaalooyinka Kenya.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|