|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Booliska Kenya oo sheegay in qaraxii xalay ka duwanaa kuwii hore
DECEMBER 8, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Booliska Kenya ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay Xaafada Islii uu ka duwanaa qaraxyadii hore, marka loo eego bartilmaameedka uu ahaa iyo qaabka uu ku dhacay, iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriira.
Taliyaha Booliska Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, isagoo xaqiijiyay inay ku sameynayaan baaritaan.
Waxaa uu sheegay in qaraxu aanu aheyn miino goobta la dhigay, hase ahaatee ay soo cadeyn doonaan waxa uu ahaa, inkastoo loo badinayo inay aheyd bam la tuuray.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray masaajidka iyo hareerihiisa, iyadoo lagu arkayay banaanka masaajidka dhiig dhulka ka muuqday iyo kabo ay ka carareen dadkii masaajidka ka soo baxay iyo kuwii dhaawacmay.
Howl galo ay sameeyeen Booliska ayaa la sheegay in dad lagu qab qabtay, inkastoo aanu booliska wali ka hadlin.
Qaraxii xalay ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo uu ku jiro wiil yar, halka ay ku dhaawacmeen 15-kale oo u badnaa Soomaali uu ku jiray Xildhibaan Yuusuf xasan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|