![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Q.M. Oo Shaacisay In Ay Dhamaatay Macluushii Ka Jirtay Soomaaliya February 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Qaramada Midoobay ayaa maanta ku dhawaaqday in macluushii ka jirtay waddanka Soomaaliya ay haatan dhammaatay, Lix bilood kaddib markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya ay ku habsatay macluul. Arrintani ayey Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sabab u tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya oo sii kordhay iyo gargaarkii bani’aadannimo ee sida wanaagsan loo gaarsiiyay Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunnada iyo nafaqada Soomaaliya ee “Somalia Food Security Nutrition Analysis Unit” ayaa shaacisay inkastoo ay macluusha haatan meesha ka baxday haddana ay jirto cabsi dhanka gaajada ah oo haysata dad badan oo Soomaali ah. Sidoo kale xafiiska xiriiriyaha arrimaha gargaarka bani’aadannimada ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in xaaladdu ay xilligaani tahay mid weli qaatar ah. Hay’addani ayaa sheegtay in 2.34 million oo Soomaali ah qaarkood ay xilligaani u baahanyihiin gurmad degdeg ah. Bartamihii sanadkii hore ee 2011-ka ayaa qaramada midoobay waxa ay ku dhawaaqday in gudaha Soomaaliya ay ka jirto macluul iyadoo dowlado fara badan iyo hay’ado ka shaqeeya dhanka samafalka ay gurmad bani’aadannimo u fidiyeen Kumanaan ruux oo Soomaalia ah. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|