|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasiirada Arrimaha dibada oo booqatay saxaaradda Soomaaliya ee Rooma

JANUARY 8, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya ayaa booqatay safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga iyadoo la kulantay dad Soomaaliyeed oo ku sugnaa.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka wasaaradda arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya oo socdaal shaqo ku joogto dalka Talyaaniga ayaa maanta booqatay xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee magaalada Rooma halkaas oo ay kula kulanta dad Soomaaliyeed oo aad u badan.
Marwo Fowsiya ayaa uga warbixisay xaaladda dalka iyo hormarka ka jiro, iyadoo sidoo kale soo booqato goobo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Rooma ee caasimada dalka Talyaaniga.
Wasiirka arrimaha dibada ayaa shalay magaalada Rooma kula kulantay dhigeenada dowladda Talyaaniga iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidii dowladda Talyaaniga gacan uga geysan laheyd hormarinta dalka Soomaaliya.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|