![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka oo gaaray B/weyne
NOVEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda waxaana ujeedka wafdigan uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen saraakiish ciidamada iyo maamulka gobolka. C/kariim Xuseen Guuleed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan B/weyne. Wasiirka ayaa haatan kulan kula leh deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada B/weyne maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|