|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf oo loo dhaariyay xilkaas, Wareysina siisay Idaacadda Codka Beesha, Mohamed Dahir kadib markay ka soo laabatay Shirka Dowladaha Islaamka ee ka dhacay dalka Jabuuti,
NOVEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta lagu hor dhaariyay Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay ka maqneyd todobaadkii hore dhaarintii Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilkaxanaf ayaa Wasiirada ku hor dhaariyay barlamaanka, iyadoo balan qaaday, inay si daacadnimo ay waajibaadkeeda u gudan doonto.
Intaas kadib ayaa Wasiirada Arrimaha dibada iyo Ra'iisul Wasaare kuxigeen waxay munaasabad kooban ay kula wareegtay Xafiiska Wasaaradaas oo ku yaal KM5, halkaasoo dhowaan dib loo dayactiray.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada C/llaahi Xaaji ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay wasaarada iyo duruufaha ay ku soo shaqeeyeen, isagoo sheegay in Wasaarada ay ku howl geli jirtay dhismihii Hargaha iyo Saamaha, halkaasoo sanadkii hore weerar is qarxin ah oo dad badan ku dhinteen lagu qaaday.
Sidoo kale Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inay la wareegto xafiiska, ayna horay uga soo shaqeysay, iyadoo uga mahadcelisay wasiirkii hore, waxaana ay balan qaaday inay wax badan ka bedeli doonto duruufaha ka jira wasaarada.
Dhinaca kale Wasiirada Horumarinta iyo Adeega guud ee Bulshada ayaa maanta la wareegtay Wasaaradaha Caafimaad iyo Haweenka oo ay ka tirsan tahay Wasaarada Hormarinta iyo Adeega guud ee bulshada oo dhowr wasaaradood ay ku mataaneysan yihiin.
Wasiirda Horumarinta iyo Adeega guud ee Bulshada Maryan Qaasim ayaa xilalka kala wareegtay wasiiradii hore ee Haweenka Maryan Aweys iyo wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr, C/casiis Sheekh Yuusuf, waxaana ay wasiirada ay cadeysay inay bulshada u shaqeyn doonaan.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya ay xilalka kala wareegeen Wasiiradii Xukuumadii KMG aheyd, waxaana laga sugayaa Wasiiradan cusub in wixii hada ka dambeeya ay toos xafiiskooda ugu shaqeeyaan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|