![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiiradii tagay Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay safarkooda
DECEMBER 29, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo dhawaanahanba socdaal shaqo ku joogay magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa maanta dib ugu soo laabtay maagalada Muqdisho iyagoo faahfaahin ka bixiyay natiijada ka soo baxday socdaalkoodii magaalada Kismaanyo. Wafdigan oo ka koobnaa wasiirro, Xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa mudo laba maalin ah howlo shaqo ku joogay magaalada Kismaayo halkaas oo ay kulamo kula yeesheen maamulka KMG ah iyo waxgaradka ku dhaqan Kismaayo, waxaana markii ay caasimada dib ugu soo laabteen si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. intii ayna ka soo amba bixin garoonka diyaaraha magaalada Kismaayo, warbaahinta waxaa wadajir ula hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Kismaayo Axmed Maxamed Islaam “Axamed Madoobe” oo isaga hadal qaatay ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin in wefdi heer wasiirro ah yimaadaan Kismaayo, waxa uuna muujiyey sida ay u xoogeysatay wadajirka ka dhaxeeya dowladda iyo maamulka. Sidoo kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tibaaxay in maamulka KMG ah ay ka wada hadleen arrimo badan oo la xiriirra sidii loo horumarrin lahaa is fahanka u dhaxeeya, isagoo dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha Samafalka in ay yimaadaan Kismaayo, maaadaama uu amni ka jiro, dadka reer kismaayana ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan. Socdaalkii wasiirada ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen caasimadda Saddexaad ee Soomaaliya waxa uu ku soo idlaatay guul, waxaana meel wanaagsan gaaray wada hadalladii ay yeesheen maamulka halkaasi ka jira iyo masuuliyiinta dowladda, iyadoo dadweynaha Kismaayo sidoo kale laga hadlay maamul u sameynta deegaannada iyo guud ahaan gobollada Jubbooyinka, waxaana loo muujiyey in rabitaankood lagu hoggaamin dono. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|