![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dad ku geeriyooday weerar lagu qaaday xerada Dhadhaab
DECEMBER 22, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -Ugu yaraan seddax Ruux ayaa geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan ay weerar ku soo qaadeen xalay Soomaalida ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarkan xalay lagu qaaday xerada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya oo sababay dhimadashada iyo dhaawaca ay la ogeen sababta rasmiga ah ee ka dambeysay. Guddoomiyaha xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya Khaliif oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aysan garaneen sababta ka dambeysay weeraradan lagu qaado dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha ku yaala dalka Kenya balse ay dhacaan xili ay joogaan laamaha amaanka ee dalka Kenya. Guddoomiyaha ayaa ka codsaday hay’adaha amaanka dowladda Kenya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka loo geysto dadka qaxootiga ah ee ku nool gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya. Mid ka mid ah ehelada dadkii xalay lagu laayay weerarkii lagu qaaday xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa walaac xoog leh ka muujiyay weerarada lagu qaadayo xeryaha ay ku nool yihiin dadka Qaxootiga ah. Weerarkan lagu qaaday xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa imaanay xili dowladda Keyna ay amar ku bixisay in dib loogu celiyo qoysaska ku nool magaalada Nairobi xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkaasi oo ay ka mid tahay xerada Dhadhaab, balse xarada dhabaab ayaa la sheegayaa in ay ku nool yihiin tiro ka badan dadkii loogu talagalay. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|