![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad lagu maamuusayay maalinta Aids-ka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho
DECEMBER 1, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Manaasabadan lagu maamuusayay maalinta cudurka dilaaga ah H.I.V Aids-ka oo ku asteeysan maanta oo kale sanad kastana Caalamka oo dhan looga dabaaldago Koowda December ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabada uu soo qabanqaabiyay Ururka Hormarinta Haweenka Soomaaliyeed ee S.W.D.C oo lagu qabtay xarun lagu quudiyo dadka Barakacayaasha ah oo ku taala fagaaraha Tarabuunka ayaa la isku tusaaleeyay halista cudurka dilaaga ah H.I.V Aids-ka. Munaasabadaasi ayaa hal ku dhiggeedu ahaa ka hortaga caabuqa dadka la nool feyruska, waxaana hadal goobta ka jeedisay guddoomiyaha Ururka hormarinta haweenka Soomaaliyeed iyadoona ugu baaqday shacabka in aanan la faquuqin dadka qabo cudurka. Maxamed Siciid oo ku hadlayay magaca dalad ay ku mideysanyihiin dadka la nool Feyruska Dhaliya cudurka H.I.V-ga ayaa tilmaamay in bulshada ay kala kulaam faquuq isgaoona ka codsay in aan la iska fogeyn dadka qaba xanuunka. Sanad waliba magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabta munaasabado lagu maamuusayo maalinta Aids-ka Aduunka taas oo ay ka qeyb galaan dadka la nool cudurka, maas’uuliyiin iyo marti sharaf kale. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|