|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Gaarisa, markii askari lagu dilay, mid kalena la dhaawacay
NOVEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, kadib markii dabley hubeysan ay maanta duhurkii ku dileen askari ka tirsan Ciidamada booliska, halka mid kalena la dhaawacay.
Weerarkan ayaa keenay in magaalada ay kala xiranto, waxaana gebi ahaanba hakad galay isu socodka gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga, iyadoo meelo badan magaalada ah laga maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada.
Askariga la dilay ayaa la sheegay in gaari ka ciladoobay uu ku sameynayay abaarihii duhurnimadii mid ka mid ah wadooyinka Gaarisa, iyadoo kooxo hubeysan ay toogteen, waxaana ay dhaawacee askari kale.
Ma jirto ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha booliska, waxaana xaalada guud ee magaalada ay tahay mid aad u cakiran, inkastoo wali ciidamada aanay wax howl gal ah bilaaban.
Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii labo ka tirsan Ciidamada booliska lagu dilay Suuq Mugdi oo ku yaala bartamaha Gaarisa.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii qarax lala eegtay gaari mini bus ah oo marayay Xaafada Islii, iyadoo ay ku dhinteen 7-ruux, halka sodon kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyada ka dhacaya magaalooyinka Kenya iyo dilalka ciidamada booliska ayaa sabab looga dhigayaa gelitaanka Ciidamada Kenya ay galeen sanadkii la soo dhaafay Koofurta Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay kordheen qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha Kenya.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|