|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Afar ka mid ah Taliyaasha Saldhiga Booliska oo u xiran qarixii ka dhacay nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka
NOVEMBER 16, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanada qarixii todobaadkii hore ka dhacay nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka, markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay Barxada Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo gaadiidka ay dhigtaan Mudanayaasha Baarlamaanka.
Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in baaritaanada ay meel wanaagsan marayaan, isagoo ka dhawaaqjiyay in afar taliyeyaal boolis loo xiray dhacdadaas.
"Meel wanagasan ayay marayaan baaritaanada aan ku ogaaneynay cidii ku lugta laheyd qaraxa ka dhacay banaanka Masaajidka Isbaheysiga, waxaa wali u xiran afar taliye boolis, waxaa loo heystaa sababta ay u ogaan waayeen baabuurka qarxay, wuxuu soo maray isgoysyo ay mas'uul ka ahaayeen inay baabuurta ku baaraan"ayuu yiri Taliye Maalin.
Afarta Taliye ee loo xiray qaraxaas ayaa waxay kala yihiin Taliyaha Saldhiga Booliska Xamarweyne, Xamar Jajab, Waabari iyo Wardhiigley, halkaasoo la tuhmayo in gaariga qarxa uu soo maray isgoysyada degmooyinkaas.
Dhinaca kale Taliyaha booliska ayaa sheegay in howl galo habeen iyo maalin ka socdeen degmooyinka, isagoo xusay in Ciidamada booliska ay howl galo ka wadaan wadooyinka, isla markaana ay doonayaan in ammaanka noqdo mid la isku haleeyo.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar ku aadanaa xariga Taliyaasha saldhig, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii todobaadkii hore dhacay, iyadoo afarta taliye ay ku xiran yihiin Xarunta CID, halkaasoo su'aalo lagu weydiinayo.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|