![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha J.F.Soomaaliya ”Shuruucda dhismaha maamul goboleedyada waxaa dejin doona Baarlamanka”
DECEMBER 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shuruudaha sameynta maamul goboleedyada uu dejin doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu ka digay khilaafaad hor leh oo ay abuuraan maamul goboleedyada faraha badan ee gudaha dalka looga dhawaaqayo. Madaxweynah oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in nidaamka Federaaliga ah ay dadka qaar u weeciyeen si an sax aheyn, wuxuuna intaa ku daray in shuruucda nidaamka Federaalka uu sameyndoono Baarlamanka ciddii soo buuxusana ay noqondoonto fedraal ama maamulgoboleed. Isagoo hadalkiisa sii wata madaxweynuhu ayuu intaa ku daray in dowladu ay ka warqabidoonto maamulgoboleedyada iyo nidaamyada ay ku sameysmayaan, wuxuuna dhanka kale xusay in maamul goboleedyada isku xirma ay tahay in ay sameystaan dastuur la jaanqaadaya kan dowlada. Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa ummadda Soomalaiyeed uga digay khilaafaad hor leh oo ka dhasha maamulgoboleedyada farahabadan, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladu ku dadaali doonto nidaaminta maamulgoboleedyada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|