![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Maalliyadda Iyo Qorsheynta Oo Xilka Kala Wareegay Wasiirradii Hore Ee Wasaarradahaasi
NOVEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan uu xilka kala wareegayey Wasiirradii hore ee Wasaarradahaasi ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maalliyadda ee magaalada Muqdisho. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumaddii KMGka aheyd Mudane C/laahi Goodax Barre oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Qorsheynta mudadii uu xilka hayey waxaana uu C/laahi Goodax Barre ammaan iyo bogaadin u jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta. Dhinaca kale Aadan Sheekh Maxamed Deer Wasiirudowlihii Wasaaradda Maalliyadda iyo lacagta Xukuumaddii KMGka aheyd oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta aheyd ayaa ugu horeyn Wasiirka cusub ee Wasaaradda faah faahin ka siiyey qaab howleedka Wasaaradda waxaana uu dhanka kale tilmaamay cabashooyin dhanka shaqaalaha ah oo laga doonayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maalliyadda inuu xaliyo. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu la wareego xilka wasaaraddo diyaarsan oo leh shaqaalle howlkar leh waxaana uu dhanka kale Wasiirku ballan qaaday inuu wax ka qaban doono cabashooyinka dhanka shaqaalaha ah. Munaasabaddan uu maanta xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta ayaa qeyb ka ah Munaasabaddo xil wareejin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay wasiirrada cusub wasiirradii hore xilka kala wareegeen. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|