![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Xildhibaanno gaaray B/weyne DECEMBER 8, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi isugu jiro Xildhibaanno iyo fanaaniin ayaa maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xildhiibada maanta gaaray magaalada B/weyne ayaa waxa ay yihiin kuwo ka soo jeedo gobolka Hiiraan waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa dowladda Jabuuti. Wafdigan gaaray magaalada B/weyne ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliya fanaaniinta hobolada Qaranka ee Waaberi, waxaana haatan ay ku sugan yihiin xarunta uu magaalada B/weyne uu ka dagan yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan waxaana la filayaa in ay kulamo la qaataan maamulka iyo dadka ku dhaqan B/weyne Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|