![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiiradda adeegga bulshada oo lagu wareejiyay wasaaradda Caafimaadka
NOVEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munnaasabad ay xilka kula kala wareegayeen wasiirka hore ee wasaaradda caafimaadka iyo wasiirka cusub ee wasaaradda adeega bulshada ayaa waxaa lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka waxaana ka qeyb galay masuuliyiinti xilalka kula kala wareegeysay, shaqaalaha wasaaradda, iyo bahda caafimaadka. Dr C/casiis Sheekh Yuusuf wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub isagoona sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xil wareejinta uu maanta sameeyay waxa uuna xusay in uu soo qabtay shaqo wanaagsan isagoona ka codsaday wasiirka uu xilka ku wareejiyay in ay si wanaagsan u gudato waajibkeeda. Sidoo kale Maryan Qaasim ayaa xustay in dadkii ka soo shaqeeyay caafimaadka gaar ahaan wasiirka caafimaadka in uu soo qabtay waxyaabo badan ayna halkeeda ka sii wadeyso. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|