![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya xulka Suudaan
NOVEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Xulka kubbadda cagta Qaranka Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya ciyaar adag oo galabta ay isku arki doonaan xulka Qaranka kubbadda cagta ee Suudaan taasi oo galabta ka dheceeysa magaalada kambaala ee xarunta dalka Uganda. Ciyaartan ay galabta la ciyaraayaan xulka qaranka Soomaaliya kan Suudaan ayaa ah kulankii labaad oo ay dheelaan ciyaartooyda Soomaaliya, waxaana ciyaartooyda xulka Qaranka horay ay ula ciyaareen xulka dalka Burundi. Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Geele oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan ciyaarta galabta dhaxmaridoonta xulalka Soomaaliya iyo Suudaan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|