![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad lagu mideynayay 40 urur oo dhalinyaro ah oo lagu qabtay Muqdisho
NOVEMBER 25, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda laguna mideynayay in kabada 40 Urur oo dhalinyaro ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabada lagu mideynayay ururada dhalinyaro oo gaaraya 40 urur ayaa waxa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamanka, ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Odayaal iyo dhalinyaro aad u badan. Guddoomiyaha dalada lagu mideeyay ururada dhalinyarada Maxamed Xasan Maxamed oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay muhiimada mideynta ururada dhalinyarada ay tahay mid meesh ka saareyso kala qub qubnaashii ka dhexe jiray dhalinta Soomaaliyeed. Sidoo kale guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed oo ka hadashay goobta ayaa tibaaxday in loo baahanyahay in la mideeyo dhalinta Soomaaliyeed si ay siwadajir wax ugu qabtaan Qarankooda , iyadoona ugu baaqday in ay ka shaqeyaan nabada kana fogaadaan qabyaalada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|